Xaasaskii Rasuulka calayhi salaam. 

 

Nebi Muxammad calayhi salaam waxaa la sheegay in uu guursaday 12 haween, 9 haweenka Rasuulka  Ilaahay nabad iyo naxariis korkiisa ha yeelee ka mid ah waxay dhinteen rasuulka gadaashiis halka 2 ama 3 ay dhinteen Rasuulka  inta uu noolaa

 

Halkan aan ka akhrisano taariikhda guurka Rasuulka Ilaahay nabad iyo naxariis korkiisa ha yeelee oo kooban

 

  1. Hooyadaii mu´muniinta Khadiija bintu Khuwaylid radiyallaahu canhaa 

 

Khadiija Ilaahay Subxaanahu watacaalaa raalli ha ka noqdee waxay jirtay 40 sano markii uu Rasuulku calayhi salaam  guursaday, rasuulkuna wuxuu jiray 25 sano, waxay ka dhalatay qoys maal leh, waxaana dhalay Khuwaylid ibnu Asad, oo reer Qureesh ka mid ahaa, Rasuulka ka hor labo goor ayay guursatay, labadiiba way ka dhinteen, taasna waxay keentay in ay ku cidlooto ama keli ku noqoto maamulka maalkeedii, waxay u baahatay gacan yare maalka la haya lana shaqeeya, gacan yarihii wuxuu noqday Ruuslka calayhi salaam , oo ay ka war heshay in uu yahay qof aamin ah oo daacad ah,hawlihii uu Rasuulka Khadiija u haayayna waxay noqdeen kuwa miro dhala oo sii tarma.

 

Waxay kaloo Khadiija Alle raalli ha ka noqdee aragtay in Rasuulku uu yahay qof wax kasta lagu aamini karo,ilaa ay Khadiija ka codsatay nebiga in uu guursado waana ka oggolaaday,

Khadiija Ilaahay ha ka raalli noqdee waa hooyadii carruurta rasuulka  dhalay oo dhan marka laga reebo Ibraahim, intuu uu rasuulku calayhissalaam qabay Khadiija cid kale lama uusan guursan, waxayna ku dhimatay isla markaana lagu aasay Makka bishii ramadaan, sannadkii tobnaad risaalada ka dib,Khadiija waxay Rasuulka   Ilaahay nabad iyo naxariis korkiisa ha yeelee u ahayd garab weyn intuu ku jiray hawshii Alle u dhiibtay, markii ay dhimatayna aad ayuu Rasuulku u murugooday.

 

  1. Hooyadaii mu´miniinta Sawda bintu Zamca 

 

Sawda Ilaahay raalli ha ka noqde waxaa hore u qabay ina adeerkeed  Asakraan ibnu Camr, intii ay is qabeeen Sawda iyo Asakraan ayay islaamka qaateen, waxayna ka mid ahaayeen asxaabtii u haajiray dhulka Xabashida, markii ay soo noqdeen ayaa Asakraam Ilaahay raalli ha ka noqdee dhintay, Rasuulkuna Ilaahay nabad iyo naxariis korkiisa ha yeelee wuxuu guursaday Sawda bishii shawaal, bil ka dib dhimashadii Khadiija Alle raalli ha ka noqdee, Sawda markaas waxay lahayd wiil qaan gaar ah.

Ilaahay subxaanahu watacaala cimri ayuu siisay Sawda, waxayna ku dhimatay Madiina bishii shawaal sannadkii 52aad ee hijriyada.

 

  1. Hooyadaii mu´miniinta Caai´sha bint Abubakar-asaddiiq 

 

Rasuulku Ilaahay nabad iyo naxariis korkiisa ha yeelee wuxuu guursaday Caai´sha bishii shawaal sannadkii 11aad ka dib soo diritaankiisii, sannad ka dib guurkii Sawda,  oo sagaal jirtay, Caai´sha waxay ahayd gabadha keliya ee rasuulku calayhissalaam bikrad ama cadrad  ku guursaday, Ilaahay raalli ha ka noqdee Caai´sha waxay tahay gabdhaha islaamka gabadhii ugu diinta badneyd isla markaana diin badan laga bartay, waxay soo uruurisay xadiisyo fara badan, waxay ka qeyb gashay dagaallo badan oo asxaabta iyo rasuulkuba ka qeyb galeen, waxay daawayn jirtay marka ay ka qeybgasho asxaabta dagaallada lagu soo dhaawacay.

Maalmihii ugu dambeeyay noloshiisa Rasuulka, Ilaahay nabad iyo naxariis korkiisa ha yeelee wuxuu  degganaa guriga Caai´sha Ilaahay ha raalli noqdee, wuxuuna ku dhintay Rasuulku  Ilaahay nabad iyo naxariis korkiisa ha yeelee dhabta Caai´sha waxay dhimatay Caai´sha bishii ramadaan 17keedii sannadka hijriyada markii  uu ahaa 57 ama 58deedii, waxay ku aasan tahay halka uu Rasuulku  ku aasan yahay ee Albaqiic la yiraahdo. 

4.      . Hooyadaii mu´miniinta Xafsa bint Cumar Ibnu Khadhaab 

Xafsa Ilaahay raalli ha ka noqdee waxaa dhalay saaxiibkii weynaa ee Rasuulka Cumar Bin Khadhaab Ilaahay raalli ha ka noqdee, guurkii gabdhiisana aad ayuu ugu farxay maadaama ay ahayd garoob laga dhintay oo kaalmo iyo xanaanayn u baahnayd, Rasuulka Ilaahay nabad iyo naxariis korkiisa ha yeelee ka hor waxaa qabay Xafsa Ina Xudeyfa, wuxuuna u dhintay nabro ama dhaawac ka soo gaaray dagaalkii Beder, ka dib markii ay u dhammaatay ciddadii ayuu Rasuulku calayhissalaam guursaday, Xafsa iyo Caai´sha waxay ahaayeen laba xaasas ee rasuulka kala hadli jiray arrimo diinta ku saabsan, Xafsa  waxay qayb weyn ka qaadatay ururinta iyo kontoroolka qur´aanka iyo in  buug la isugu geeyo waqtigii ay maamulka islaamka haayeen aabbaheed Cumar Bin Al-Khdhaab iyo Cusmaan Bin Cafaan Ilaahay saddexdooduba raalli ha ka noqdo Xafsa waxay dhimatay bishii shacbaan sannadkii 45 ee hiyriyada, waxay ku aasan tahay Albaqiic, cimrigeedu wuxuu ahaa markii ay dhimatay 60 sano.

5.      Hooyadaii mu´miniinta Zeynab bintu Khusayma. 

Ka dib murugadii xanuunka lahayd ee ka soo gaartay muslimiintii dagaalkii Uxud, halkaas oo lagu dilay 70 ka mid ah asxaabtii rasuulka Ilaahay nabad iyo naxariis korkiisa ha yeelee, ayuu rasuulku ku guubaabiyay asxaabtiisii in ay xanaaneeyaan oo u gargaaraan haweenka masaakiinta ahaa ee raggooda dagaalka looga dilay, si uu tusaale u noqdo asxaabtiisa Rasuulku Ilaahay nabad iyo naxariis korkiisa ha yeelee wuxuu guur weydiistay Zeynab bintu Khusayma, Ilaahay raalli ha ka noqdee waana ka yeeshay, Rasuulku Ilaahay nabad iyo naxariis korkiisa ha yeelee wuxuu guursaday Zeynab bishii ramadaan sannadkii 3aad ee hiyriyada, guurkii Zeynab iyo Rasuulka ma cimri dheeraan oo ilaa 8 bilood ama sannad ka dib waa ay dhimatay Zeynab, Zeynab Ilaahay raalli ha ka noqdee waxaa loogu yeeri jiray hooyadii masaakiinta, sababta oo ah waxay aad ugu gargaari jirtay oo cunto siin jirtay masaakiinta, waxayna ahayd haweenay deeqsiyad ah, waxay dhimatay Zeynab Ilaahay raalli ha ka noqdee, bishii Rabiicul-taani, sannadku hijriyadana ahaa 4aad, waxay nasiib u heshay in uu salaaddii jinaasada ku tukado saygeedii Rasuulka Ilaahay nabad iyo naxariis korkiisa ha yeelee

6.      Hooyadaii mu´miniinta Umu Salama Hind bint Abi Ummayah 

Umu Salama Ilaahay Raalli ha ka noqdee  waxay ahayd haweenay jecel waxbarashada taasna waxay keentay in ay noqto haweenay horumarsan iyo in ay ka qayb qaadato faafintii axaadiista rasuulka, waxaana rasuulka ka hor qabay Abu Salama, ama Cabdullahi ibnu Asad, waxayna u dhashay 4 carruur ah, bishii Jumada-taani sannadkii hijriyada 4eedii ayuu dhintay Abu Salama ka dib dhaawacii ka soo gaaray dagaalkii Uxud, Rusuulkuna Ilaahay nabad iyo naxariis korkiisa ha yeelee wuxuu guursaday umu Salama dhammaadkii shawaal, isla sannadkii uu dhintay saygeeda, Umu Salama waxay ahayd haweenay isku filan caqli ahaan ama dhinaca garashada, waxay kaloo ka mid ahayd iyada iyo Caai´sha Ilaahay raalli ha ka noqdee haweenkii Rasuulka, Ilaahay nabad iyo naxariis korkiisa ha yeelee ee aad cilmiga looga aruursaday, waxay dhimatay sannadkii 59 ee hijriyada, waxayna ku aasan tahay meesha uu Rusuulku Ilaahay nabad iyo naxariis korkiisa ha yeelee ku aasan yahay ee Albaqiic, wuxuu cimriga Umu Salama ahaa markii ay dhimatay 84 sano waxayna ahayd haweenka Rasuulka Ilaahay nabad iyo naxariis korkiisa ha yeelee middii ugu dambaysay ee dhimata 

 

7.      Hooyadii Mu´miniinta Juweyriya gabadhii Alxaarith 

Juweyriya Ilaahay raalli ha ka noqdee waxaa lagu soo qafaashay ama lagu soo qabtay dagaalkii  dhexmaray asxaabta rasuulka iyo reer Beni Almusdhaliq, reer almusdhaliq waxay cadow daran ku ahaayeen Rasuulka iyo asxaabtiisa dagaalkaas wuxuu dhacay bishii Shacbaan sannadkii hijriyada 6dii ama 5tii, markii uu Rasuulku guursanaayay Juweyriya wuxuu lahaa afar xaas haseyeeshe waa intii uusan soo degin aayadaha qur´aanka ee joojinaaya in muslimiintu guursan karin wax ka badan afar haween ah, Rasuulku Ilaahay nabad iyo naxariis korkiisa ha yeelee wuu xoreeyay Juweeriya, kadibna guursaday, guurkii Rasuulka Ilaahay nabad iyo naxariis korkiisa ha yeelee  iyo Juweyriya wuxuu sabab u noqday in la sii daayo 100 asxaabta ka mid ah oo dagaalka looga qafaashay oo ay uga qafaasheen qoloada ay ka dhalatay Juweyriya, waxayna ahayd gabadhii ugu sharafta badnayd uguna barakaysnayd qoladii ay ka dhalatay, waxay dhimatay bishii Rabiicul awal, sannadkii  55 ama 56, cimrigeeduna wuxuu ahaa markaas 65 sano 

8.      Hooyadii Mu´miniinta Zeynab bint Jaxash Ibnu Rabiic 

Zeynab Ilaahay raalli ha ka noqdee hooyadeed waxay ahayd Umaymah, gabadhii Cabdi Mudhalib, Rasuulka  e Ilaahay nabad iyo naxariis korkiisa ha yeelee edadiis, ka dib Rasuulka Ilaahay nabad iyo naxariis korkiisa ha yeelee taladiisa waxay Zeynab guursatay saxaabigii weynaa ee Zayd Ibnu Xaarith Ilaahay raalli ha ka noqdee oo ahaa addoon la xorreeyay oo uu Rasuulku korsaday, sidaas daraadeed waxaa loogu yeeri jiray Zayd wiilkii Muxamed, haseyeeshe Zayd wey ku adkaatay in uu Zeynab sii qabo ka dib markii Zaynab xoogaa yara durtay maadaama uu ahaa wiil adoon ah, (inakstoo uu Zayd carab ahaa haddana wuxuu ahaa wiil la iibsaday) dhowr jeer ayaa la isku dayay in Zeynab iyo Zayd la hesiisiiyo haseyeeshe faa´iido waa yeelan weyday, ugu dambayntii waa ay is fureen. 

Guurka Zeynab Ilaahay raalli ha ka noqdee iyo Rasuulka  Ilaahay nabad iyo naxariis korkiisa ha yeelee wuxuu dhacay hijriyada 5eedii bishii  Dulqacda, Zeynab  waxay ahayd gabar deeqsiyad ah iyo mid ay ku badan tahay cabsida Allah, waxay kaloo ahayd xaasaska Rasuulka Ilaahay nabad iyo naxariis korkiisa ha yeelee  middii ugu hor dhimatay ka dib dhimashada rasuulka Ilaahay nabad iyo naxariis korkiisa ha yeelee, waxay ahayd da´deeda markii ay dhimatay 53 sannadood, waxaana lagu aasay Albaqiic, salaaddii jinaasadana waxaa ku tukaday Cumar bin Al-Khadaab Ilaahay raalli ha ka noqdee

9.      Hooyadadii Mu´muniinta Umu Xabiiba Ramla 

Umu Xabiiba ama Ramla bint Abu Sufyaan waxaa markii hore guursaday Cubaydullah Ibnu Jaxash waxayna u dhashay gabadeedhii Xabiiba, waxaa umu Xabiiba dhalay Abu Sufyaan Ibnu Xaarith oo aad uga soo horbaxay Rasuulka iyo diinta islaamkaba, inkastoo uu ugu dambayntii islaamay furashadii Makka, hooyada Ramla waxay ahayd Hinda bint Cubtah oo ahayd haweenaydii amarka ku bixisay in la dilo isla markaana cantoogtay ama goosatay  Rasuulka Ilaahay nabad iyo naxariis korkiisa ha yeelee adeerkii libaaxii muslimiinta Xamza Ibnu Cabdimudhalib, waxay doonaysay in ay u aarto dilkii aabbaheed Cubtah, adeerkeed Shayba, iyo walaalkeed Waliid oo intaba lagu dilay dagaalkii Badar, Hinda waxay islaamtay sida ninkeeda oo kale markii Maka la furanaayay. 

Ramla iyo ninkeedii waxay u haajireen waddankii Xabashida, nasiib xumo ninkii Ramla qabay waa ka tagay diintiisii wuxuuna qaatay diintii masiixiga, halkaasna murtad ku noqday, isagoo gaal khamriyo cab ah dhintay, halka ay Ramla diinteeda ku dhegtay, markii uu Rasuulku Ilaahay nabad iyo naxariis korkiisa ha yeelee  waraaq u sii dhiibay saxaabigii Camr umu Umayah  si uu ugu geeyo boqorkii xukumaayay arliga xabashida ee Najashi ayuu ku xusay waraaqdiisa Rasuulku in uu doonaayo in uu guursado Ramla ama umu Xabiiba, halkaas ayuu ugu meheriyay boqor Najashi umu Xabiiba Rasuulka, Ilaahay nabad iyo naxariis korkiisa ha yeelee wuxuuna yarad u siisay boqorku afar boqol oo diinaar, kadibna u diray Rasuulka isagoo ku sii daray Sharaxbiil Ibnu Hasanah, waxay aqalgaleen Rasuulka Ilaahay nabad iyo naxariis korkiisa ha yeelee iyo umu Xabiiba Ilaahay raalli ha ka noqdee markii Rasuulku ka soo noqday dagaalkii Khaybar, bishii Safar,sannadkii 7aad ee hijriyada, waxay dhimatay umu Xabiiba markii ay da´deedu ahayd 42 ilaa iyo 44, waxaa kaloo la sheegaa in ay ku dhimatay 50 sano

10.  Hooyada Mu´muniinta Safiya bint Xuyay 

Safiya Ilaahay raalli ha ka noqdee waxaa dhalay Xuyay Ibn Akhtab, oo ahaa odaygii Yuhuuda reer Binu Nadir, Safiya waxay ka soo jeedaa nebi Haaruun calayhi salaam, waxaa lagu soo qafaashay ama qabtay dagaalkii Khaybar, Rasuulka  Ilaahay nabad iyo naxariis korkiisa ha yeelee ayaa naftiisa u jeclaaday Safiya, wuxuuna u soo bandhigay in ay diinta islaamka qaadato weyna ka yeeshay halkaas ayuu ku xorreeyay isla markaana ku guursaday, wuxuuna arooska Rasuulka iyo Safiya dhacay intii loo sii socady Madiina., waxay ku dhimatay Safiya Madiina waxayna ku aasantahay Albaqiic, taariikhda islaamkuna wuxuu markaas ahaa 50 hijriyada, waxaa kaloo la sheegay in ay taariikhdu ahayd 52 ama 56 hijriyada 

 

  1. Hooyada Mu´miniinta Mariya Qibtiya. 

 

Mariya Ilaahay raalli ha ka noqdee waxaa iyada iyo walaasheed Sarin hadiyad u siiyay Rasuulka  Ilaahay nabad iyo naxariis korkiisa ha yeelee aabahood oo ahaa madaxa Qibtiga Masar,xilligaas oo Nabigu 60kii fooda la galay maba sugayn in uu dib dambe wax u guursado, wuxuu markiiba guri ay ku noolato u helay Sarin kana fakaray bal waxa u Mariya ka sameeyo, waxay ku noqotay wax adag in uu diido gabdha hadiya loo siisyay, haweenkii nebiga Ilaahay nabad iyo naxariis korkiisa ha yeelee ayaa waxaa dhexdooda ka yara dhashay xoogaa degganaansho daro amaba raalli in aysan ka noqonin in Rasuulku Mariya guursado, markaas ayaa Ilaahay Subxaanahu Watacaalaa soo dajiyay aayadaha ku jira suuratul Taxrim aayadda ugu horaysa, Aayaddaas oo oranaysa: Nebiyoow maxaad u diidi ama u xarrimi wax Ilaahay kuu xalaaley si aad haweenkaaga u raalli geliso, Ilaahay waa dambi dhaafe iyo naxariis badne. 

 

Sidaas ayuu Rasuulku Ilaahay nabad iyo naxariis korkiisa ha yeelee Mariya Ilaahay raalli ha ka noqdee ku guursaday wuxuuna dejiyay guri bannaanka magaalada ku yaala, waxayna Rasuulka u dhashay Mariya wiil uu Nebigu Ibraahim u bixiyay, waxay Mariya ahayd ka dib Khadiija Ilaahay raalli ha ka noqdee haweenayda Rasuulka  ilmo u dhashay, nasiib xume Ibraahim waa u saqiiray Nebiga, Mariya Ilaahay raalli ha ka noqdee waxay dhimatay sannadkii hijriyada markii uu ahaa 16 sano 

 

 

  1. Hooyadii Mu´miniinta Maymuuna bint Al-Xarith 

 

Maymuuna Ilaahay raarli ha ka noqdee waxay ahayd gabadhii ugu dambaysay ee uu Nebiga  Ilaahay nabad iyo naxariis korkiisa ha yeelee guursado, waxayna Maymuuna la dhalatay Lubaba oo ahayd xaaskii Cabbaas Ilaahay raalli ha ka noqdee oo ahaa Rasuulka Ilaahay nabad iyo naxariis korkiisa ha yeelee adeerkiisa, Maymuuna iyada oo aan lagu qasbin ayay Islaamka qaadatay taasna waxay keentay in ay reerkeedii dayriyaan, ninkii labaad ay guursatayna soo eryay maadaama ay muslintay, Rasuulka Ilaahay nabad iyo naxariis korkiisa ha yeelee ayaa markaas weydiistay Cabaas in uu guursado Maymuuna, haseyeeshe waxaa dhibaato Rasuulka uga timid labo dhinac, dhinicii muslimiinta iyo dhinacii ay ka dhalatay Maymuuna oo aan guurka raalli ka ahayn. 

 

Waxaase soo degay oo aayaadka Ilaahay Subxaanahu Watacaalaa oo rasuulka ku geesi geliyay in uu sameeyo waxa uu ku tashaday oo ahaa in uu guursado Maymuuna, halkaas ayuuna Rasuulku ku guursaday Maymuuna, guurkooduna wuxuu sabab u noqday in ay muslimaan dad badan oo qolodeeda ka mid ahaa. 

  

Culumada intooda badan waxay isku raaceen in uu Rasuulku Ilaahay nabad iyo naxariis korkiisa ha yeelee 12 haween guursaday

 

Waxaa soo diyaarisay Zahra Abdi Hersi. 

Holland

 

Ku soo dhawaada Qeybtii LbaadBaraka hooyadii labaad ee Rasuulka calayhissalaam. 

Qeybtii Labaad 

 

Wax yar ayay is qabeen Cubeyd iyo umu Ayman sababta oo ah Cubeyd ayaa tii Alle u timid, markii uu ninkeedii dhintayna waxay umu Ayman ku soo noqotay Maka si ay ula noolaato wiilkeedii Muxammad calayhissalaam iyo Khadiija Ilaahay raalli ha ka noqdee,markaas waxaa kale oo guriga rasuulka ku noolaa marka laga reebo qoyska reer Muxammad calayhissalaam, Hind oo ahayd gabdhii Khadiija dhashay (waxayna u dhashay ninkii ugu horreeyay ee Khadiija guursaday) Cali bini Abu Dhaalib Ilaahay raalli ha ka noqdee iyo Zeyd ibnu Xaarith Ilaahay raalli ha ka noqdee. 

 

 Zeyd ibnu Xaarith  Ilaahay raalli ha ka noqdee wuxuu ahaa wiil carab ah oo la soo qabsaday  ka dibna addoon laga dhigtay, Zeyd isaga oo carruur ah ayaa la soo qafaashay ama la soo dhacay ka dibna Maka ayaa la keenay oo addoon ahaan loo iibiyay, waxaana iibsaday wiil ay Khadiija ilmo adeer ahaayeen wuxuuna siisay ama  u geeyay Khadiija si uu adeege ugu noqdo, markii ay rasuulka calayhissalaam iyo Khadiija Ilaahay raalli ha ka noqdee is guursadeen Khadiija waxay hadiyad u siisay Zeyd ninkeedii rasuulka calayhissalaam, halkaas oo rasuulka iyo Zeyd jacayl waalidnmo iyo xiriir xididdo adag leh dhex maray, wuxuuna ahaa  Zeyd Ilaahay raalli ha ka noqdee adeegaha gaarka ah ee rasuulka. 

 

Markii Zeyd ibnu Xaarith aabbihiisa dhabta ahaa yimid Maka si uu wiilkiisii Zeyd u kaxaysto, ayaa Zeyd la weydiiyay waxa uu rabo, in uu aabihiis raaco iyo in uu rasuulka la joogo, jawaabta Zeyd waxay caan ku tahay taariihkda islaamka, wuxuuna Zeyd yiri Ilaahay raalli ha ka noqdee "weligey inta aan noolahay rasuulka kama tegayo, wuxuu iila dhaqmaa sida qof bani´aadam loola dhaqmo sida ugu wanaangsan ama ugu sharafta badan, sidii laga rabay in ay wiil iyo aabbihiis iskula dhaqmaan, weligey agtiisa kama dareemin addoon ama nin la leeyahay, wuxuu ii dhaqaaleeyaa, sida ugu wanaangsan, wuxuu iigu naxariistaa sida ugu wanaagsan, wax aan farxadayda iyo jacaylkayga ahayne kama taliyo, waa ninkii Ilaahay waxa uu abuuray ugu sharaf badnaa, sideen ayaan markaasi kuu raaci karaa oo aan rasuulka uga tegi karaa? weligey kama tagayo! 

 

Rasuulku calahissalaam wuu xorreeyay Zeyd, haseyeeshe Zeyd wuxuu doortay in uu la joogoRasuulka oo uu adeego u noqdo, markii rasuulka calayhissalaam risaalada Ilaahay subxaanahu watacaala u dhiibay, Umu Ayman iyo Zeyd ilaahay raalli ha ka noqdee waxay ku jireen dadkii ugu hor rumeeyay rasuulka, taasna waxay keentay in ay dhib badan kala kulmaan kufaartii reer qureysh ee dhibka badneyd,maadaama ay labadan qof ay ku tuhmayeen liidninmo ama dad la iska leeyahay,(iyaga ayaa dad ugu liitay)Umu Ayman iyo Zeyd waxay rasuulka u hayeen shaqo aad u qatar badnayd oo waxay ka ahaayeen ciidanka sirta ee rasuulka iyo asxaabtiisa, sida:in ay soo ogaadeen shirqoollada Qureysh iyo waxay ka damacsan yihiin rasuulka iyo asxaabtiis, shaqadaasi waxay ahayd mid qatar ah, waxayna noloshooda u hibeeyeen difaaca diinta islaamka wixii ay doonaanba hala kulmeene. 

 

Habeen ayaa waxaa dhacday in kufaartii Qureysh xireen waddadii loo maraayay gurigii

Al- Arqam, gurigaas oo ahaa saldhiggii rasuulka calayhissalaam iyo asxaabtiisa Ilaahay raalli ha ka noqdee ay ku kulmi jireen oo arrimo diinta ku saabsan ka wada hadli jireen, Khadiija Ilaahay raalli ha ka noqdee ayaa waxay sir culus u dhiibtay Umu Ayman in ay rasuulka Ilaahay gaarsiiso oo markaas joogay oo kulan muhiim ah ku lahaa gurigii Al Aqram, haseyeeshe in ay Umu Ayman farriinta rasuulka gaarsiiso wey adkayd oo waxaa dhici karaysay in ay haddii ay arkaan kufaarta Umu Ayman kaw ka sii yaan oo dilaan, nasiib wanaag Alle ayaa ka idho saabay cadawga kufaarta oo Ilaahay wuxuu gartay in ay Umu Ayman rasuulka gaarsiiso farriintii ay u wadday, rasuulka markii uu Umu Ayman ka qaatay farriintii ay marwadiisa u soo dhiibtay ayuu intuu dhoolo caddeeyay yiri maadaama uu la socday jidgooyada ay kufaartu samaysay “waxaad tahay qof la doortay ama lala jiro Umu Aymaney, waxaa xaqiiq ah in aad boos ku leedahay jannada” markii ay Umu Ayman ka tagtay rasuulka calayhissalaam iyo asxaabtiisii ayuu inta uu eegay rasuulku asxaabtiisii weydiiyay su´aashan “ ma idinku jiraa qof doonaya in uu guursado haweenay ehlu janna ah, haddii uu qofkaas idinku jiro, ha guursado haddaba Umu Ayman” 

 

Qof asxaabta Rasuulka ka mid ah oo  hadal yiraahdo ama jawaabo waa laga waayay, Umu Ayman ayaa waxay ahayd haweenay tabar daro ka muuqatay iyo waliba da’deeda kor u dhaaftay 50 sano, Zeyd ibnu Xaaritha oo xagga dambe fadhiyay ayaa soo istaagay oo rasuulka u soo dhowaaday wuxuuna yiri “rasuulkii Ilaahayow aniga ayaa guursanaya Umu Ayman, Ilaahay agtiisa iyadaa ka fiican haweenay kasta oo qurux badan leh” 

 

Halkaas ayay Zeyd iyo umu Ayman isku guursadeen waxaana Alle subxaanahu watacaala kala siiyay wiil, kaas oo loo bixiyay Usama, rasuulku Ilaahay korkiisa nabad iyo naxariis ha yeelee waxuu Usama u jeclaa sidii wiilkiisa oo kale, markasta rasuulka wuxuu ciyaarsiin jiray Usama, wuu dhunkan jiray, waxuuna ku quudin jiray gacmihiisa barakaysnaa, muslumiinta ayaa waxay oran jireen, Usama waa wiilka uu jeclaa midkii la jeclaa, Usama yaraan ayuu ku bilaabay u gargaarka diinta, halkaas oo rasuulku calayhissalaam markii uu arkay kartida Usama u dhiibay in uu mas´uul ka noqdo shaqooyin dhib badnaa.

 

Markii Rasuulka calayhissalaam iyo qaar ka mid ah asxaabtiisa u haajireen Madiina, waxay Umu Ayman ku hartay Maka, si ay hawlo gaar ah u habayso oo meel ugu hubsato, ugu dambayntii ayay ka daba tagtay ehelkeedii oo waxay u haajirtay Madiina iyada oo aan cidine la socon ama keli ah,  safarkeedii Madiina ma´ahayn mid sahlan, kulaylka qorraxda wuxuu ahaa mid dilaa ah, carrada ka duulaysay saxaaraha waxay ahaayeen kuwo indho beel laga qaado, Umu Ayman ma´ahayn qof dhallinyaro ama haysay tabar ay iskaga celin karto dhibaatada, haddana wey u samirtay dhib kasta oo ay la kulantay oo safarkii wey sii wadday ilaa ay ka gaarto Madiina, rafaadkaas oo dhanna waxay u samaynaysay Umu Ayman jacaylka ay u qabto la kulanka Alle iyo Rasuulkiisa iyo diinta islaamka, markii ay Madiina gaartay lugaheedu waxay u bararsanaayeen si aan laga sheekayn karin, indhaheedana waxaa daboolay ciid iyo bus ama habaas. 

Markii uu rasuulka calayhissalaam arkay Umu Ayman ayuu yiri “Alla Umu Ayman ,Alla hooyo, waa xaqiiqo in booskaagii jannada diyaar kuu yahay”, Umu Ayman waxay u haysay bulshadii muslimiinta ee Madiina ku noolayd hawlo aad muhiin u ah, dagaalkii Uxud waxay waraabinaysay oo biyo siinaysay asxbaatii haraadsanaa, waxay u gargaaraysay asxaabta la soo dhaawacay, waxay kale oo rasuulka calayhissalaam iyo asxaabtiisa u raacday Umu Ayman labo dagaal oo kala ah Khaybar iyo Xunayn mid ka mid ahna wiilkeedii Ayman lagu dilay oo ay ku weysay

 

Wiilkeedii Ayman Ilaahay raalli ha ka noqdee wuxuu ahaa saxaabi dhab ah, wuxuuna ku shahiiday dagaalkii Xunayn sanadkii siddeedaad ee hijriyada, ninkeedii Zeyd ibnu Xaarithna wuxuu ku shihiiday ka dib markii uu naftiisa addoon uga dhigay amray u gaarka diinta islaamka, dagaalkii Mu´ta ee waddanka Siiriya ka dhacay, markaas uu shihiidayo Zayd, Umu Ayman waxay  kor u dhaaftay 70kii sano, halganka dheer oo ay soo gashay darteed gurigeeda ayay ku soo aruurtay oo iska dhex fadhiday, rasuulka calayhissalaam oo ay la socdaan Abukabar iyo Cumar Allaha ka raalli noqdee ayaa gurigeeda ku soo booqan jiray, markii uu rasuulka Alle u tagana wuxuu oran jiray “yaa Umaa ama hooyadaydiiyeey sidee xaalkaagu yahay ama iska warran?  waxay ku jawaabi jirtay  Umu Ayman “rasuulkii Ilaahayow waan wanaangsanahay inta xaalka muslimiintu wanaangsan yahay” 

Markii uu rasuulku Ilaahay oofsaday, wax aan oohin ahayn Umu Ayman waa laga waayay, mar ayaa la weydiiyay sababta ay Umu Ayman u ooyayso waxayna tiri “waan ogaa in rasuulka Alle mar uun dhimanaayo oo Alle oofsanaayo, laakiin waxaan la ooyayaa in rasuulka Alle uu naga tegay oo uu aaday meeshii laga soo diray 

 

Baraka waxay ahayd mid qiimo badan ku leh diinta islaamka waayo waxay ahayd qofta keliya ee rasuulka calayhissalaam ugu dhoweyd noloshiisa laga soo bilaabo dhalashadiisii ilaa dhimashadiisii, waxkasta oo uu rasuulka sameeyo gacan ayay ka gaysanaysay ama qayb ayay ka qaadanaysay, nolosheeda ma´ahayn mid ay iyada iska leedahay ee waxaa iska lahaa oo ay u hibaysay rasuulka Alle iyo diinta islaamka, waxay ahayd addoon uu Alle siiyay karti aan la arag iyo awood ay wax badan ku qabato, diinteeda iyo cabsida Alle waxay ahayd mid lafaha iyo dhuuxa ka gashay, waxay dhimatay xilligii uu khilaafada haayay Ilaahay raalli ha ka noqdee Cismaan bin Cafaan. 

 

Baraka dadkii dhalay ama meeshii ay ka timid lama oga, laakiin booskeedii jannada waa suganyahay.