Maxaa Sababa Hurdo La'aanta?

Dhibaatooyinka hurdada waxa ka mid ah inay seexashadu dhib kugu ahaato, soo-jeedka oo kugu adag ama hurdo la’aanta.

Hurdo la’aanta
Hurdo la’aanta (insomnia) waxa ku jira dhibaato kasta oo ah seexasha la’aan, hurdada oo aan lagu raagi karin ama goor aad u horeysa oo la tooso subixii. Qodobada sababi kara hurdo la’aanta waxa ka mid ah:
• Cudur
• Dareen murugo ah
• Walaac/Isqu buuq
• Kafeyn
• Khamri ama maandooriyeyaal
• Dawooyinka qaarkood
• Sigaar-cabis badan
• Caadooyin hurdo oo xun sida:
  - Maalintii oo si gaaban loo seexdo
  - Seexashada meel uu ku badan yahay iftiin ama qaylo
  - Goor hore oo la seexdo
  - Wakhti badan oo lagu soo jeedo sariirta
Haddii ay suurogal tahay isbeddel ku samee qodobada laga yaabo inay kuu keenayaan hurdo la’aanta. Kala hadal dhakhtarkaaga haddii seexashadu dhib kugu tahay wax ka badan 3 habeen todobaadkii gudaha hal bil. 
Sameyso wakhti hurdo oo joogto ah. 

Sidee baan u hagaajin karaa caafimaadkayga xagga maskaxda?

Waan u barannay in nalagu baraarujiyo inaan ku dadaallo ilaalinta caafimaadkeenna jirka, innagoo joojinayna sigaar cabbista, samaynaynana jimicsi badan, iyo innakoo yaraynayna dufanka ku jira cuntadeenna. Sidoo kale, baan wax uga qaban karnaa  cafimaadkeenna xaga nafsaaniga ah.

Barashada is-dejinta (Learning to relax)
Tani waa xirfad qof kasta ay tahay inuu barto. Waxa jira buugaag iyo cajalado badan oo ka hadlaya is-dejinta, waxbarashada dadka
waawaynina waxay qabanqaabisaa fasallo ku saabsan arrintaas. Jimicsi (yoga), baaraandegis (meditation), daliigis (massage) iyo daawo-dhireedku (aromatherapy) dhamaan way caawin karaan is dejinta.

Jimicsiga (Taking exercise)
Jimcsigu waxuu caawin karaa caafimaadka maskaxda iyo ka jirkaba.
Waxuu beddeli karaa sida aad nolosha u aragtoo dhan, isagoo kugu caawinaya inaad ka takhalusto dareennada xunxun. Wax wayn buu ka
bedeli karaa dadka qaba isku buuqsanta, niyad-jabka iyo is-naca. Waxay kaloo caawin kartaa inay joojiso dhibaataduba inay bilaabato marka horeba.

Barashada sida loola tacaalo xaaladaha adag
Dadka laga faa’iidaysto, ama sida xun loola tacaamulo, badanaa way ku adag tahay inay doodaan. Waxa laga yaabaa inay door bidaan inay dhibka iska qarsadaan, markaas laakiin caray la buuxsami karaan, taasoo keenaysa deganaan la’aan iyo isku buuqsanaan. Tabobar lagu qaato dhiirranaanta waxay wanaajin kartaa kartida arrimahan oo kale.

Hadaf yeelashada (Setting goals)
Tani waa ka fakaridda siyaabaha lagu hormarin karo nolosha. Dadku waxay u baahan yihiin inay is waydiiyaan, ‘sidee baan jeclaan lahaa inay ummuuruhu noqdaan toban sano gudahood? Waa maxay isbaddellada yaryar ee aan hadda bilaabi karo?’ waxa suuro gal ah in nolosha laga sameeyo isbeddallo wanaagsan, inay adag yihiinba ha u muuqdeene.

Dareenka oo la muujiyo
Dareenkeenna oo aan u muujinno si xanaaq ah, oyno ama aan qaylinno waxay nagu caawisaa inaan ka soo kabsanno dhibaatooyin aan soo
aragnay. Isku cabburinta dareenka iyo qiirooyinkaaga waxay keeni kartaa daal dhalin kara degganaan la’aan iyo isku buuqsanaan.

Wajahidda dhibaatooyinka
Markay dadka arrimuhu ka khaldamaan markay aad u cabbaan waxay iska dhaadhiciyaan inay dhibka is illawsiiyaan ayna rajeeyaan inay dhammaan doonto. Taasi inaysan dhicin baa la arkaa. Caadi ahaan markay xallinta dhibaatada hore u bilaabaanba way ka fududdahay xal u heliddeedu.

Helista wof lala sheekaysto
Talooyinka halkan lagu bixiyay intooda badani way fudud yihiin in la raaco haddii uu jiro qof si furan oo daacadnimo ah loola sheekaysto. Waxuu noqon karaa saaxiib, ama waxaaba anfici karta in lala kulmo dad kale oo xaalddaas oo kale ku sugan, oo is-kaashada ama koox la caawiyo. La taliyayaal iyo dhakhaatiirta maskaxda waxa si gaar ah loogu tabobaray inay dadka ka caawiyaan inay naftooda si fiican u fahmaan ayna ka adkaadaan dhibaatooyinka nolosha.

Ra’yi xaqiiqo ah
Waxa jira jidad badan oo la isugu dayo in la fahmo xanuunnada madaxa.
Buug-yarahani waxuu xoogga saaray aragtiyo hadda aad looga tix geliyo meelo ay ka mid yihiin Yurub iyo Maraykanka. Waddamo iyo caadooyin kale, kuwaasoo diintu ay muhiim tahay sida arrinta loo qaabilo aad bay sidan uga duwanaan kartaa. Waxa niyadda sii dejin lahaa in la helo xaqiiqooyin la isku wada raacsan yahay oo ku saabsan xanuunnada madaxa. Maadaama aynaan hayn, waxay dantu nagu kaliftaa inaan nafteenna uun ka fekerno, annakoo muujinayna khibradahayaga, dhegaysanaynana kuwa kale kuna qaabilayna araa’dooda maskax furan.
Dood kama taagna in ay jiraan malaayiin qof oo ku nool nolol aan qoomo fiicnayn oo ay sabab u tahay jirro maskaxeed, iyo inaan u baahan nahay siyaabo ka fiican oo looga hor tagi karo cudurrada maskaxda laguna caawinayo dadka ay ku dhacaan si ay naftooda u caawiyaan.
Halkaan ayaan ku soo gabagabaynay buugii uu qoray Gorge Stewart
Understanding Mental Illness
ISBN 1-874690-78-2
Markii ugu horeysay ay daabacday Mind 1993. dib loo eegay Mind 2001
Mind waa hay’ad khayri ah oo diiwaan gashan Lam. 219830
Mind (Ururka Qowmiga ah ee Caafimaadka Maskaxda)
15-19 Broadway, London E15 4BQ

Sidee Loo Daaweeyaa Diiqadda/Niyad Jabka?

Haddii niyadjabku uu yahay mid wakhti dheer hayey, uuna dhibaato u keenayo nololmaalmeeda qofka, waxaa wanaagsan inuu qofku caawimo raadsado.
Waxyaabaha niyadjabka ku saabsan waxaa lagala hadli karaa, tusaale ahaan kalkaalisada caafimaadka ama dhakhtar. Sidoo kale inta badan way wanaagsan tahay, inuu qofku ehelkiisa kala sheekaysto niyadjabka haya. Badanaa qofka niyadjabku hayo naftiisa ayuu ku eedeeyaa xaaladda uu ku sugayn yahay, taasina waxay sii kordhisaa niyadjabka. 

Bilowga hore waxaa wanaagsan, inuu qofku isdejiyo oo uu naftiisa siiyo wakhti uu ku raysto. Qofka marka uu niyadjabku hayo way ku adag
tahay inuu xal u helo dhaibaatooyinka waaweyn, sidaa darteed haddii ay suuragal tahay waxaa wanaagsan in xallinta dhibaatooyinka waaweyn dib loo dhigo. 

Qofku wakhti ayuu u baahan yahay si uu niyadjabka uga bogsado.
In niyadjabka laga bogsado waxay caadi ahaan qaadataa todobaadyo badan, mararka qaarna bilo ayey qaadataa.
Wadahadallada lala yeelanayo qofka daaweynta qaabilsan, waxaa laysku dayeyaa in la ogaado xaaladdu sida ay tahay, isla markaana lana dejiyo. 

Ka hadalka dhibaatooyinka iyo waxyaabaha adagi inta badan qofka way caawiyaan, xitaa iyada oo aan markiiba xal loo helin dhibaatooyinkaas. Markay xaaladdu degto ka dib, badanaa waa suuragal in si faahfaahsan looga wadahadlo waxyaabaha xaaladda nolosha qofka ah ee istereeska u keenaya iyo waxyaabaha qofku uu lumiyey (dhibaatada uu la kulmay). Waa in la raadiyaa xalal kala duwan iyo sidii dhibaatada jirta looga gudbi lahaa. 

Waxaa inta badan suuragal ah in wadahadalladu keenaan, in la helo dhinacyo cusub oo laga fiirin karo dhibaatooyinka nolosha qofka, habka uu u dhaqmayo iyo habka uu u fekerayaba. Ujeeddaduna waa inuu qofku dib u helo kartidii awoodiisa.

Isticimaalka daawooyinku waxay badanaa soo dedejiyaan inuu qofku niyadjabka ka bogsado. Daawooyinka loo isticimaalo daaweeynta niyadjabku waa daawooyin nabadgelyo leh, mana keenaan inuu qofku ka maarmi waayo ama uu la qabsado.

Waxtarka maskaxda ee daawooyinka waxaa la dareemaa 2-4 todobaad ka dib, markuu qofku isticimaalka daawada bilaabo. Waxaa wanaagsan in isticimaalka daawada la wado markuu qofku raysto ka dib, sababtoo ah astaamaha jirradu si fudud ayey u soo noqdaan, marka daawada la joojiyo ka dib. Caadiyan daawada waxaa la isticimaalaa ½-1 sano, wakhtigaasna waa in daawada maalin walba si jogto ah loo isticimaalaa. Joojinta daawada waa in lagala tashadaa dhakhtar.

Bilowga hore ee isticimaalka daawada waxaa laga yaabaa in laysku arko cillado ay daawadu keento. Cilladahaas kuwa ugu caansani waa lallabo uu qofku dareemayo, madax xanuun, dhididida oo badata, cillado caloosha ah iyo daal. Caadiyan cilladahan ay daawadu keento waa kuwo sahlan, dhowr maalmood gudohood ayeyna ku baaba’aan, ka dib markuu jirka qofku la qabsado daawada. Mararka qaar waxaa dhacda in qofka daawada laga beddelo, haddii cilladaha daawadu keento ay yihiin kuwo aad u daran, ama daawadu aanay si fiican qofka wax ugu tarin. Cilladaha suuragalka ah ee daawadu keento, waxaa wanaagsan in dhakhtarka qofka qaabilsan lagala hadlo. Daawooyinka niyadjabka mooyee, waxaa kaloo mararka qaar si ku meelgaar ah loogu baahdaa daawooyin qofka u fududeeya inuu seexdo, ciriiriga
nafsaddana ka yareeya.

Maxay asxaabtu iyo qaraabadu samayn karaan si ay kuu caawiyaan?

Haddii qof kuu dhaw uu waasho, waxay u badan tahay inuu sababo dareen xoog leh. Aad bay u xanuun badnaan kartaa inaad aragto dhibka haysta, waana arrin argagax leh inaad la joogto qof ay ka taallo ama waalan.

Noloshoo dhan bay qasi kartaa mararka qaarkoodna dadku waxayba is arkaan iyagoo ah daryeele aysan dooran.
Waxa sidoo kale jiri kara dhinac wanaagsan. Dhibaatadu dadka way isu keeni kartaa, iyadoo siinaysa fursad ay isugu muujiyaan jacaylka ay isu qabaan si aan horey ugu suuro gal ahayn, tusaale ahaan. Marar badan, dadku waxay farxad ka heli karaan markay arkaan qaraabadoodii
xanuunsanaa oo soo roonaanaya. Waxa kaloo sahlan in la caawiyo qofka haddii dawrka daryeelistiisa lala qaybsado dadka kale. In la helo qof
xaaladda lagala hadlo sidoo aad bay wax u tartaa.

Sidee buu nidaamka caafimaadka maskaxdu u caawin karaa?

Isbitaalka wayn ee maskaxda, kaasoo ay dadku ku dhex lumi karaan waligood, waa mid kamid ah caafimaadka maskaxda ee aad u muuqda.
Waxa si dhakhso ah isu soo bedelaya fikraddii uu shacabku ka haystay taasoo ay keeneen sawirrada telefishinku ka soo duubo ee ka
sheekaynaya dil ay gaysteen dad waalan oo mujtamaca ku dhex nooli.

Labada muuqaalba waa kuwo aan run ahayn. Inta badan dadka lagu sheego xanuun maskaxeed wax ma laayaan.

Dawladiha qaarkood waxay dhiirri geliyeen daryeelka bulshada iyo barnaamijyo dadka madaxa lagaga jiraa ay ugu noolaan karaan guryahooda. Kuwa wali u baahan in isbitaallo lagu hayo, qaybaha xanuunnada maskaxda ee isbitaalada caamka ah ayaa beddelaya isbitaallada xanuunnada maskaxda u gaarka ah.

Daawayn
Ilaa iyo hadda nooca ugu caansan ee daawooyinka lagula tacaalo xanuunnada maskaxda waa daawooyin ay qoraan dhakhtarrada guud
iyagoo eegaya natiijada baaritaankooda. Waxa jira noocyo kala duwan oo loo adeegsado daawaynta xanuunnada maskaxda. Daawooyin kala duwan baa loo adeegsadaa si loo dejiyo dadka maskaxda ka jiran kuwaasoo ku caawiya inay seexdaan, ka qaadaan murugada ama ka joojiyaan fakarrada qasaya.

Faa’iidooyinka ugu wayn ee daawooyinka waa inay ku caawin karaan dadka inay iska shaqaystaan. Malaayiin baa shaqada aada maalin kasta, ama caruurtooda xanaanaysta iyagoo daawooyin qaadanaya. Dawooyinka la’aantood waxay waayi lahaayeen shaqooyinkooda ama waa laga fogayn lahaa qoysaskooda taasoo u keeni lahayd dhibaato hor leh. Si kastaba ha ahaatee, daawooyinkani ma ‘daaweeyaan’ waallida. Daawooyinku waxay yarayn karaan calaamadaha waallida, laakiin dhibaatooyinka ku hoos jiraa inta badan way iska sii jiraan. Daawooyinku waxay kaloo yeelan karaan dhibaatooyin laga yaabo inay uga sii daraan qofka. Waxa kaloo jira faa’iido darroyin kale. 

Qaadashada daawooyinka wax dejiya – kuwaasoo aad loo siiyo isku buuqsanaanta iyo hurdo la’aanta – waxay noqon karaan kuwo si
xun loogu barto. 
Dejiyayaasha waawayn – oo inta badan loo qoro dadka qaba schizophrenia – waxay sababi karaan dhaawac joogto ah oo ku dhaca Nidaamka Maskaxda ee Dhexe.

ECT (daawayn koronto la isticmaalayo)
ECT, ama Electro convulsive therapy, waa nidaam lagu daaweeyo xanuunnada maskaxda oo muran ka taagan yahay. Waana qulqul koronto oo maskaxda la dhex mariyo, iyadoo qofku suuxsan yahay, si loo soo saaro qallal qofka soo toosiya kaasoo looga dan leeyahay si qofka looga soo toosiyo niyadjabka. 
ECT waxuu ku keeni karaa arrimo aan la jeclaysan dadka qaarkood kuwaasoo ay ka mid yihiin, wareer, jahowareer, xusuustoo lunta, madax xanuun iyo labolabbo.

Hadal ku daawaynta iyo siyaabaha kale ee loola tacaalo
Dawooyinku waa waxyaalaha ugu badan ee lagula tacaalo xanuunada maskaxda, laakiin waxa kaloo jira ‘daawooyinka hadalka ah’ waxana jira danayn soo kordhaysa oo ku wajahan daawaynta waxyaalaha kale la adeegsado. Hadal ku daawaynta waxa ka mid ah: talo laga siiyo arrimo gaar ah sida murugada geerida; isku kalsoonaanta si looga caawiyo dadka inay ka adkaadaan niyad jabka iyo cabsida; iyo daawayn waqti dheer qaadata oo eegaysa arrima qarsoon ee qofka haysta

Adeegyada Daryeelka Bulshada
Waxa laga yaabaa in lagu caawiyo haddii ay ku haystaan dhibaatooyin waawayni adoo ama gurigaaga jooga ama xarumo u gaar ah xanuunada maskaxda tagaya intii aad aadi lahayd isbitaal. Si kastaba ha ahaatee, daryeelka bulshada badankiisu waxuu caawiyaa dadka qaba dhibaatooyin loo caal waayay oo xagga maskaxda ah si ay iskood ugu noolaadaan.

Adeegyada daryeelka bulshada waxa ka mid ah, Day Centres, guryo dadka lagu caawiyo, kaalmo xagga shaqada ah, kooxaha aawimaadda, kalaabyada ijtimaaciga ah, barnaamijyada whehelyeelka iyo talooyin laga siiyo xuquuqda kaalmada ijtimaaciga. Adeegyada qaarkood waxa loo diyaariyay si ay u daboolaan baahida ay qabaan dad gaar ahi sida haweenka.

Ku daawaynta Isbitaalka
Isbitaalladu waxay siin karaan meel loo ciirsado oo laga heli karo duggaal iyo ilaalo.
Waxay kaloo siin karaan fursad ay shaqaaluhu ku qiimeeyaan baahida dadku qabaan ayna isku dayaan inay helaan sida ugu fiican ee qofka lagu caawin karo.
Nasiib darro, si kastaba ha ahaatee, joogitaanka isbitaalka dadka qaarkii waxay u noqon kartaa arrin ku adag. Waardhka isbitaalku waxba qofka uma asturo, waxana suurto gal ahba in qofku ka cabsado inuu dhex galo dad kale oo u dhaqmaya si yare qasan. Qaar badan baa isbitaalka u taga iskood, laakiin waxa jira 27,500 oo lagu khasbo inay isbitaal galaan iyadoo loo cuskanayo qodobka waalida ee 1983.
waxa muhiim ah in dadka xaaladaas oo kale ku jira ay ogaadaan xuquuqdooda.

Sannadahan danbe, dadka isticmaala adeegyadan way is arkayeen si ay uga fekeraan waxa ay ka uga baahan yihiin Nidaamka caafimaadka Maskaxda. Siiba, waxay rabaan inay qaraarka daawayntooda wax ku yeeshaan. Waxa laga wadaa in si fiican loogu sheego dhibaatooyinka daawooyinku leeyihiin. Waxa kaloo ay tahay in daawaynta la kala dooran karo: hadal ku daawaynta into daawo la siin
lahaa, ama xarumaha guryaha dadka madaxa lagaga jiro intii isbitaalka la dhigi lahaa. Waxay rabaan in loo arko sidii ashkhaas, dad, intii loo arki lahaa sidii xaalado aan cidna la fal galayn.

Sidee loo baaraa xanuunnada maskaxda?

Dadka ku takhasusay xanuunnada maskaxdu waxay u kala qaybiyaan jirrooyinka maskaxda qaybo kala duwan. 
Baritaanku waxuu ka caawiyaa dhakhtarka inuu ogaado daawada fiican iyo inuu saadaaliyo waxa suuro galka ah inay dhacaan. Tani nafis bay u noqon kartaa qofka isku buuqsan si uu ogaado waxa khaladan.

Si kastaba ha ahaatee, baaritaanku xadbuu leeyahay. Waayo aragnimada qof kasta uu u yeesho isku dar daran xagga maskaxda ah waa mid u gaar ah si khaldan baana loo akhrisan karaa, gaar ahaan haday jiraan farqi xagga dhaqanka, bulshada ama diinta oo u dhexeeya dhakhtarka iyo bukaanka. 

Qofbaa laga yaabaa inuu ka helo natiijooyin kala duwan dhakhtarro kala duwan oo jirradiisa baara. In si fudud uun la isaga abbaaro
calaamadaha muuqda uun waxay noqon kartaa in aan qofka iyo xaaladdiisa guud ahaan ahmiyad loo siin. Khibraddoodu waxa laga yaabaa
inay micno u leedahay taasoo barista caafimaadku aysan gaari Karin.

Khatar kale waxay ka iman kartaa markii uu baaritaanku noqdo calaamad la iskaga dhejiyo qofka, tusaale ahaan, intii qofka loo arki lahaa waalid, makaaniko, qoraa ama arday qaba xanuun maskaxeed, waxa laga yaabaa in qofka loo arko “wax waalan”. – sidii oo baaaritaankaasi uu yahay gabogabo kama danbays ah.

Waxa muhiim ah in la xasuusnaado in baaritaanku aysan ahayn inuu asal u noqdo nolosha qofka oodhan, waxuu noqon karaa qayb yaroo ka mid ah qofka taariikhdiisa ama shakhsiyaddiisa.
Waxa laga yaabaa in si buuxda looga raysto xanuun xagga maskaxda dad badanina wayba raystaan. Mararka qaarkood dadku waxayba ka soo baxaan khibraddaas iyagoo into hore iskala wayn qaarna way soo dhaafaan dhibka intiisa badan laakiin xanuunka khatar bay ugu jiraan wuuna ku soo noqnoqdaa. 

Dhakhaatiirta maskaxdu si sugan uma saadaalin karaan waxa qof kasta uu ku danbayn doono. In laga raysto xanuunnada maskaxda intooda badan waa suuro gal, nasiib darro dadka qaarbaa loo sheegaa inaysan raysan Karin. Hadallada noocaas waxay noqon karaan waxa bukaanku sugayay waayo waxay ku sii qancinayaan rajo la’aantii uu qabay..

Waxa muhiim ah inaan marnaba la is dhiibin wax kasta ha laguu sheegee.

Noocyadee bay xanuunnada maskaxdu yeelan karaan?

Xanuunnada maskaxdu waxay yeelan karaan noocyo badan. 
Kalimadaha la adeegsado si loo baaro waa weero caadi ahaan loo isticmaalo. Tusaale ahaan, niyad jab iyo isku buuqsanaan. Taasi waxay sahli kartaa in la fahmo, laakiin caadinnimadoodu waxay keeni kartaa in dadku ay sahladaan inta ay la egtahay khatartooda iyo curyaaminta ay xaaladahani mararka qaarkood keeni karaan. 

Xanuunnada maskaxda noocyada ugu caansan qaarkood ayaa hoos ku qeexan.

Isku buuqsanaan (Anxiety)
Isku buuqsanaantu waxay keeni kartaa walwal aan jirin oo joogto ah oo raad ku yeelan kara dhinacyada noloshoo dhan. Dadku waxay dareemi karaan raaxo darro iyo hurdadoo aan u fiicnayn, waxay kaloo isku arki karaan calaamado muuqda sida garaaca wadnaha oo bata, calooshoo qasan, laleemo iyo muruqyadoo koga.

Argagax ku-soo bood ah (Panic Attacks)
Argaggaxa ku soo boodka ahi waa cabsi kadis ah oo si lama filaan ah ku bilowda. Calaamadaha waxa ka mid ah neeftoo gaabata, wadnaha
garaaciisa oo khalkhala, xabad xanuun, saxasho, cabsi iyo wareer.
Aragaggaxu waxuu dhici karaa waqti kasta taasina waa waxa uu kaga duwan yahay cabsida ka timaada khatar dhab ah.

Cabsida (Phobias)
Cabsidu waa baqdin aan sabab lahayn oo laga baqo xaalad ama shay khaas ah. Mararka qaarkood, cabsidu aad bay u xag jiraan ilaa ay ka
sababaan noloshoo dhan oo hakad galo. Cabsida nooyada caamka ah waxa ka mid ah cabsida xayawaannada, meelaha dheer dheer, duullimaadka iyo meelaha xiran. Khajilaadda (Agoraphobia) waxay sababi kartaa baqdin keeni karta in qofku guriga ka soo bixi waayo, isagoo ka cabsanaya inuu bannaanka u baxo.

Murugaysnaanta (Depression)
Murugadu waxuu assibaa dadka isagoo hoos u dhigaya furfurnaantooda, waxuuna u keeni karaa inay rajo go’aan, noloshuna aysan qiimo u lahayn, dhiiranaan la’aan iyo daallanaan. Murugadu waxuu keeni karaa dhibaatooyin xagga hurdada ah, cuntada, iyo isku kalsoonaanta. Waxuu khalkhaliyaa dadka awoodda ay u leeyihiin inay qabsadaan hawl maalmoodkooda waxuuna lug ku yeelan karaa caafimaadkooda. 

Murugada waalida ah (Manic Depression)
Murugada waallida ah oo sidoo kale loo yaqaan bipolar disorder, waxay sababtaa in dabcigu qofku iska badalo murugo aad ah oo uu noqdo hiyi kac aad ah, firfircoonaan, fikraddo baahsan, anfariir, nuglaan, aaboyeel la’aan iyo iskoontarool la’aan ayaa dhici kara marka ay qofka qabato murugadan waalidda ah.

Isku dardaranka (schizophrenia)
Schizophrenia waa kalmad loo adeegsado si loo qeexo khaladaad sababa fakarka iyo fahamka oo qaloocda. Calaamadaha waxaa ku jiri kara
wahamka, maqalka waxaan jirin iyo buufiska. Dadku waxbay kala garan waayaan. Schizophreniadu waa xanuunnada maskaxda kuwooda ugu khatarsan mid ka mid ah waxayna si khatar ah u dhaawici karaan kartida uu qofku u leeyahay inuu nolol maalmeedkiisa qabsado.

Sidee loo baaraa xanuunnada maskaxda?