Barnaamijka Caafimaadka: Inta aad uurka leedahay, waxa laga yaabaa inaad yeelatid xoogaa ah dhib iyo raaxo-daro hadba marka jirkaagu is beddelo. Isku day talaabooyinkan aasaasiga ah oo la hadal dhakhtarkaaga ama kalkaalisada si aad u heshid talo dheeraad ah. Ha isticmaalin wax ah dawooyinka la iska iibsan karo warqad dhakhtar la’aan ama dhir/geedo adiga oo aan marka hore la hadlin dhakhtarkaaga.Waxaan qormadaan uga hadli doonaa dhibaatooyinka ugu caansan ee la soo dersa haweenada uurka leh waxaan ka mid ah:

    * Walac (Morning Sickness)
    * Daal (Fatigue)
    * Hurdada oo dhib ah (Trouble Sleeping)
    * Cirib dhiigid (Bleeding Gums)
    * San cabur iyo san-goror (Epistaxis & Nose stuffiness)
    * Danqasho naaska ah (Tender Breast)
    * Laabjeex (Hearburn)
    * Bararka gacmaha iyo cagaha (Swelling of Hands and Feet)
    * Kaadi badni (Polyurea)
    * Calool-adag ama Shuban (Constipation or Diarrhea)
    * Baabasiir/Bawaasiir (Hemorrhoids)
    * Dhabar-xanuun (Back pain)
    * Maroojis Lugta ah (Leg Cramps)
    * Xidido Dhiig oo Bararsan (Varicose Veins)
    * Dheecaan siilka ah (Vaginal Discharge)
    * Madax-xanuun (Headache)
    * Hergab/Ifilo (Cold/Flu)
    * Xanuun Caloosha ah ama Qabashooyin (Abdominal Pain or Contractions)
    * Dawakhmid (Dizziness)
    * Xiriirka galmada (Sexual relations)
    * Isbeddelada Niyada ama Fikirka (Changes in Mood or Thinking)
    * Jamasho cunto (Food Cravings)
    * Maqaarka, Timaha iyo Cidiyaha (Skin, Hair and Nails)

 Walac (Morning Sickness)
    
Lallabo ama dareen ah in calooshu jiran tahay waxa badanaa loo yaqaanaa walac. Waa caadi la isku arko inta lagu jiro 14 todobaad ee ugu horeeya uurka.
• Isku day inaad cuntid rooti, rooti qalalan ama siriyaal ka hor inta aanad ka degin sariirta subixii. Waxa laga yaabaa in cuntooyinkaasi ku gargaaraan wakhti kasta oo ah maalinnimada oo aad isku aragtid lallabo.

• Cun cuntooyin yaryar balse marrar badan cun halka aad ka cuni lahayd cunto weyn oo ah 3 wakhti.
• Iska ilaali in calooshaadu marnaato.
• Iska ilaali inaad dhakhso u jiifsatid ka dib marka aad wax cuntid.
• Iska ilaali cuntooyinka leh baruur badan, la shiilay, leh basbaas ama dufan.
• Iska ilaali urta cuntada.
• Wac dhakhtarkaaga ama isbitaalka aad haddii aanad awoodin inaad ceshatid cabitaanada mudo ka badan 24 saacadood, haddii aad leedahay kaadi madow ama aad dareentid tabar-dari ama wareer/dawakh.

Daal (Fatigue) iyo Hurdada oo dhib ah (Trouble Sleeping)
    
Daal
Inaad daal dareento waa caadi.
• Samee jimicsi maalin kasta haddii uu oggol yahay dhakhtarkaagu si tamartaadu u kororto.
• Naso marrar badan. U jiifso dhinaca bidix ugu yaraan 1 saac inta lagu jiro maalinnimada.

Hurdada oo Dhib ah
Marka uurkaagu sii weynaado, waxa dhib noqon kara inaad raaxeysatid oo seexatid.
• Iska ilaali cabitaanada leh kafeyn.
• Wax ha cunin wax yar ka hor wakhtiga jiifka.
• Isku day qubays ama mayrasho diiran ka hor wakhtiga jiifka.
• Samee jimicsiyada sida neefsasho xoog leh iyo iskala-bixin.
• U jiifso dhinaca bidix iyada oo barkin kuugu jirto lugaha dhexdooda kana hooseyso calooshaada.

Cirid dhiig, Sangoror iyo Naasa xanuun
    
Cirid dhiig-baxaya
• Isticmaal burush jilicsan oo si tartiib ah u nadiifi ilkaha. Maalin kasta mari ilkaha xarkaha ilkaha (floss).

Dhiig Sanka ah
• Waxa aad sankaaga ku dhibcin kartaa dhibco milixeysan ama waxa aad galin kartaa nooc labeen ah (gel).
• Si aad u joojisid dhiig sanka ka socda, fadhiiso ka dibna si adag farahaaga ugu cadaadi dhinaca sanka/dulka dhiiggu ka socdo.

Naaso danqanaya ama caano ka da’ayaan
• Xiro rajabeeto aan xoog kuu haynin sida keeshaliga isbortiga.
• Waxa laga yaabaa inaad gargaar ka heshid keeshali aan lahayn fiilooyin ama waayiro marka aad seexanaysid habeenkii.
• Keeshaligaaga gasho kuusaska naaasaha (nursing pads) haddii naasahaagu sii daynayaan caano.

Laabjeex iyo Bararka Gacmaha iyo Cagaha
    
Laabjeex

•Laabjeexu waa dareen gubasho leh oo ah caloosha, dhuunta ama laabta.
• Iska ilaali kafeyn, wixii caano ah ama ka sameysan, cuntooyinka leh dufan, asiidh/aashito ama basbaas.
• Cuntooyin yaryar cun 2-3 saac kasta. Si tartiib ah wax u cun.
• Ka dib marka aad wax cuntid ha jiifsan muddo 1 saac ah.
• Ha gashan dhar ciriiri kugu ah.
• Ha iska laabin dhexda. Iska laab jilibaha marka aad foorarsanaysid.
• Ilaa 2 saacadood ha sameyn jimicsi marka aad wax cuntid.
• Seexo adiga oo madaxa sare ugu soo qaaday barkin labaad ama dheeraad ah.
• Ha cabin sigaar.

Bararka Gacmaha iyo Cagaha

•Iska ilaali inaad taagnaatid ama fadhidid mudo dheer.
•U jiifso dhinaca bidix mudo ah 30-60 daqiiqadood, 3-4 jeer maalin kasta.
•Samee jimicsi haddii uu dhakhtarku kuu oggol yahay.
•Iska ilaali cuntooyinka milixdu ku badan tahay.
•Booqo dhakhtarkaaga haddii aad toostid dhawr subax oo iska xiga adiga oo leh barar.

Kaadida oo Badan
    
•Tani waa caadi.
•Ha yareen cabitaanka ama biyaha, laakiin isku day inaanad cabin wax badan ka hor wakhtiga jiifka.
•Kaadi marrar badan.
•Iska ilaali cabitaanada leh kafeyn.
•Samee jimicsiyada Kegel (la soco qoraal ku saabsan jimicsiga kegel) si aad u xoojisid oo u xukuntid muruqyada ku wareegsan siilka.
•Si aad u garatid meesha ay ku yaalaan muruqyadaasi, kaadida jooji oo dib u bilaw marka aad isticmaalaysid musqusha.
•Isku day inaad adkaysid muruqyada hadba in yar. Ka dibna si tartiib ah u sii daa.
•Marka aad adkaysid muruqyada, waa inaad dareentid aagga ku aadan ibta kaadida, ama meesha kaadidu ay ka soo baxdo, oo wax yar sare u kacaysa.
•Samee jimicsiyadaa marka aad fadhid, taagan tahay, soconaysid, baabuur wadid ama daawanaysid telefishanka.
•Samee jimicsiyadan 10 jeer, 5 ilaa 10 jeer maalintii.
•Wac dhakhtarkaaga haddii aad isku aragtid gubasho ama xanuun marka aad kaajaysid ama aad qabtid qandho.


---------------------------------------------------------------------------------------------------
Qodobadan soo socda waxay kaala talinayaan sidii lalabada iyo matagu kaaga khafiifi lahaayeen.
• Intaadan Sariirta tegin
1. Ku nagow qol hawo nadiifa leh; urta dharka wasaqdaa iyo urta kale ee qolka aad seexatid kasoo baxaya waxay keenaysaa caloosha oo ku rogmata. Fur daaqadaha qolka ama daar maraxawad inta aad hurudid.
2. Dharka dabacsan waxay ka hor tagayaan cadaadis deeraata calooshaa'.
3. Ku soo dhawayso sariirta siiriyal qallalan ama buskud.

• Intaadan Sariirta ka soo kicin subaxdii
1. Ku nagow sariirta waxogaa daqiiqada ah intaan aad kicin.
2. Cun waxoogaa siiriyal ah ama buskud qallalan intaad willi sariirta saarantahay

• Marka aad sare-kacaysid
1. Aayar usare-kac (5 ilaa 6 daqiiqadood). Ka taxadar degdegga markaa sariirta kasoo kacaysid.
2. Iskuday in aad cuntid waxoogaa dheeraad ah oo siiriyaal qallalan ah ama toast intaadan quraacda karsan.

• Wakhtiyada Cuntada
1. Cun cunto yar dhowr jeer (4 ilaa 6 jeer maalintii) tijaabi si aad uga hortagtid caloosha oo aad, aad u buuxsato iyo caloshoo marnaata wakhti dheer.
2. Aayar wax u cun inyar oo cunto ah markiiba ha ku dhacdo caloosha.
3. Si fiican u calali cuntada si ay caloosha ugu fududaato. Taasi waxay yaraynaysaa cabsida calooshoo ku kacda.
4. Cuntada dufanka leh inbadan bay caloosha kusii jirtaa, ibadanna way qaadataa sidii ay u yaryarayn lahayd iyo sidii jirka ay u gali lahayd. Tan kale, cuntada naqaska abuura sida digirta, cabitaanka macaan, iyo xanjo calalinta waxay beeraan dibiraad iyo culays.
5. Biyo cab ugu yaraan saacad ka hor ama saacad ka dib raashinka si aad uga hortagtid dibiraada iyo culayska . (cabitaan sinjibiil ah) iyo 7-Up (nooc cabitaan macaan ah) iyo cola (kookaha) iyo lemonade-ka way kaa caawin karaan marka calooshu kugu kacdo. Bunka ama qaxwuhu wuxuu wadan karaa caraf awood badan leh oo matag kugu kicin kara.
6. Si joogto ah u cab biyaha si aad uga hortagtid jirka oo biyuhu ka idlaadaan. Talo ahaan waxaa fiican qiyaas ah 64 rodol (sideed 8-rodol maalintii).
7. Cunto cusbo leh cun sida buskud qallalan iyo pretzels iyo faxfax ama maraq la soo habgareeyay ama cunto aan la karin sida liinta iyo lemonade-ka si ay kaaga kala yareeyaan matagga. Carafka qorfuhu iyo sinjibiil wuxuu xitaa kaa yarayn karaa lalabada ama yalaalugada.
8. Cun wax qabow ee qabowga qorka ah iyo/ama cunto qallalan sida buskudka qallalan/rooti ama furin duban iyo ayskiriimka barafka ah/gelatin kuwaas oo wata caraf aan dhib lahayn iyagoo kaa caawinaya matagga.
9. Cun cunto qabow oo leh protein iyo nafaqo. Shaqsiyan cuntadaasi ma wadato caraf awoodleh. Talo ahaan waxa ka mid ah hilibka qabow, sandwiches-ka, burcadka lawska ah, burcadka xoolaha, caano goroor ama ciir, ukunta, iyo burcadka cheese-ka ah.
10. Wax calalsho waqtiyada cuntada u kala dhexeeya. Wax nafoqo leh oo aad calashan kartid waa kuwa hoosta ku qoran.
11. Ha jiifsan markaad cunto cuntada kadib ugu yaraan laba saacadood si aad uga hortagtid dhib iyo cuntadoo kaa kala dagi wayda.

• Cunto diyaarsi
1. Qof ha kuu sii kariyo cuntada inta aad guriga ka maqantahay; ka fikir in aad waxoogaa iska soo lugeysid.
2. Ka faa’iidayso waqtiga aad cuntada karsanaysid. Ka fikir sidii raashin badan aad u karsan lahayd kadibna qaboojiyaha aad u gelin lahayd si aad u cuntid maalmaha wax kariska aadan u jeedin.
3. Cun cunto diyaarsan oo aad qaboojiyaha ka soo saartay markaana si fudud aad u diirin karto.

• Talo Cunto
Waxaa kamid ah:
- Rooti ama furin duban - Burcadka cheese ah ee dufanku ku yaryahay
- Buskud qallalan - Burcadka lawska
- Pretzels - Khudrad diyaar ah ama gasac ku jirta (muus)
- Cabitaan Orange ah - Khudaar
- Lemonade (liin dhanaan) - Ayskiriim qabow
- Hilib baruurtu ku yartahay
- Beer ama ukun - Burcadka cottage cheese ah
- Caano - Caano goroor ama ciir ah
Yaree ama iskadaa:
- Cunto la xawaasheeyay (toon, basal, filfil, chili)
- Cunto naqas la socdo (cabbage, broccoli, Brussels sprouts, collard greens, basal, turnips, radishes, cucumbers, dried beans)
- Dufanka (burcad, margarine, gravy, saliid, mayonnaise, saladhka waxyaabaha dusha laga mariyo, pie crusts, pastries)
- Cunto dufan leh (cuntada duban, cuntada dufanka leh ama saliid lagu kariyay, hilibka baruurta leh)


W.S Abdirisak Yusuf maow


Ps. Qoraalada webkeeyga dhamaan waa kuwa aan soo uruuriyey.