SIFAADKA SOOWJADA SAALIXADDA AH 1)
Waxaa lagu yaqaan inay tahay qof had iyo jeer adeecda Ilaaheed oo haddana saalixad ah.

2) Waxaa laguyaqaan inay tahay tii xafidda maalka ninkeeda iyo jirkeedaba marka uu maqan yahay.
3) Waa midda uu farxo ninkeedu haddii uu fiiriyo, haddii uu amrana waa tii addeecda.
4) Waa tii laasinta gurigeeda oo aan kabixin, amarka ninkeeda la’aantiis.
5) Waa midda had iyo jeer ku-salaanta ninkeeda waji faraxsan iyo dhoolacaddayn.
6) Waatan had iyo jeer Alle uga mahad-celisa ninkeeda, maadaama uu yahay kii reerka ushaqaynayey,
isla markaasna uu yahay carruurteeda kii dhalay.

7) Marka ay wax waydiisanayso ninkeeda, waa tii doorata waqtiga wanaagsan iyo hadalka wanaagsan.
8) Waxay astaan u leedahay dabeecad badan.
9) Waatan aan gurigeeda kabixin iyadoo dharkeedu qarriban yahay.
10 ) Ma aha mid ninkeeda kuqaylisa marka ay wada hadlayaan.


11 ) Waxay kuwaanisaa ninkeeda inuu xiriiriyo Waalidkiis, walaalihiis, riximkiisa iyo saaxiibbadiis.
12 ) Waa midda khayrka falid badan, kuna dadaasha faafintiisa.
13 ) Waa tan runta dhar kadhigata, kana fogaata beenta iyo ehelkeeda.
14 ) Waa midda ku-barbaarisa carruurteeda jacaylka Ilaahay iyo rasuulkiisa,
kuna saacidin carruurta wax uusan ninkeedu raalli ka ahayn oo xumaan ah, sidoo kale waa tii barta ixtiraamka aabahood.

15 ) Waa mid aan caro badnayn, haddana aan aqoon laab- lakaca.
16 ) Waxay aad uga fogtahay Kibirka, is-cajabinta iyo isla weeynanka.
17 ) Waa tii had iyo jeer ka laabta indhaheeda aragga xumaanta, hadday gurigeeda xaajo darteed uga baxdo.


18 ) Waatan aan kujeesjeesin dariskeeda iyo dadka isla markaana aan xaqirin umadda.
19 ) Waa tan aan jeclayn dhaldhalaalka adduunka isla markaasna aan iloobin jannada ilaahay.
20 ) Waa midda had iyo jeer rabbigeed talo saarata, haddii wax ka xumaadaanna aan quusan.
21 ) Waa mid si dhammaystiran ugudata cibaadada Alle kufaral yeelay.



22 ) Waatan si buuxda u og in ninkeedu yahay Sayidka gurigiisa, isaguna uu yahay kan maamula.
23 ) Waa midda ka xusta rabbigeed(carrabka iyo qalbigaba), had iyo jeerna aan iloobin.



24 ) Waa midda aan had iyo jeer sheegsheegin wixii ay Ilaahay dartiis u qabatay oo wanaag ah.
25 ) Waa tii qirata dambigeeda, haddii uu khalad kadhacana weydiisata cafis ninkeeda.
26 ) Waa tan aan soomin soon Sunne ah, ninkeeda oo raalli ka ah mooyee.



27 ) Waa midda aan isu ekaysiin ragga, xagga hadalka, socodka iyo dharxirashadaba.
28 ) Waa midda had iyo goor ogsoon weeynanka xaqa ninkeeda, kuna raalli galisana ninkeeda wixii aan macsi ahayn oodhan.


29 ) Waa midda aan dhaleecayn ninkeeda, isla markaasna aan kudhibin wuxuusan awoodi Karin.

30 ) Waa midda qarisa quruxdeeda iyo jirkeeda, ninkeeda mooye.

31 ) Waatan lagu yaqaan xishood badan iyo asturnaan.

32 ) Waa midda aan soo gelin gurigeeda qof uusan ninkeedu raalli ka ahayn.

33 ) Ma-diiddo ninkeeda, haddii uu ugu yeero sariirtiisa.

34) Waatan ninkeedu uu layaabo quruxdeeda MUUQATA xagga(nadaafadda &labiska) iyo tan QARSOON xagga(diinta & Taqwada).

35 ) Waxay kaloo caan kutahay, ma aha tii fidisa sirta ninkeeda iyo gurigeeda.

36 ) Waa midda aan ku kallifin ninkeeda wax uusan awoodi Karin oo adduun ah.

37) Ma aha mid hub ka dhigata, quruxdeeda, yaraanteeda ama maalkeeda.

38 ) Waa tii had iyo jeer ka shukri naqda wax walba oo ay hesho, haba ahaadeen wax yar e.

39) Waa midda aan kadalbin furriin joogta ah ninkeeda, sabab la’aan.

40 ) Waxay ninkeeda u muujisaa kal-gacal iyo jacayl dhan walba ah, waxayna si xiiso leh u dhagaysataa marka uu hadlayo.

41) Waa midda ku-taageerta ninkeeda wixii khayr ah oo uu falayo, lana garabtagaan waanooyinka wanaagsan iyo dhiiri gelinta suuban.

Raxmada iyo Jacaylka caruurta ladhalo waa mid dabeeci ah Raxmada iyo Jacaylka caruurta ladhalo waa mid dabeeci ah oo Alle inagu abuuray. Hadana waxaa jirta in aysan taasi kufilay inay si buuxda u daryeesho xuquuqda caruurta. In waalid lanoqdo kaliya, ma aha in wax ladhalo, ee waxay u baahantahay in lafahamo WAXA AY TAHAY IN WAALID LANOQDO.

Alle Swt- Isaga oo og raxmada iyo naxariista ay hooyo u hayso ilmeheeda ayuu haddana u dar-daarmay in ay nuujiso naaska ilmeheeda ilaa Laba sano.Taas macnaheedu waxaa weeye in waalidku u baahan yahay baraarujin iyo fahamsiin xaqqa ilmuhu kuleeyahay.

Waxaa shaki la,aan ah, inay dhacdo, xadgudub iyo dhaawac aan ugaysano caruurteena sida aan u gu-gaysano nafteena. Wax badan oo dhib ah ayaan u soojiidnaa nafteena ama wax badan oo nacfi ah ayaan seejinaa nafteenna jahli awgi. Sidookale Jahli iyo war la,aan awgeed ayaan u dhibnaa caruurteen innaga oo aan dareemayn ama aan ogaal u lahayn.

inta badan waxaan moognahay masaafada inoo dhaxaysa inaga iyo caruurteena. Wiilkaaga ama gabadhaada jirta,7-10-15-20 iyo adiga jira inta u dhaxaysa 30-60 maxaad u malaynaysaa masaafada inii dhaxaysa adiga iyo caruurtaada, marka laga eego xaga jirka, Caqliga, Waayo aragnimada, Dareenka iyo Caadifadda.

Ma cadaaladbaa mise waa caqli-gal in aan kadalbano in ay noqdaan innaga oo kale wax walba. Sidaan u fikirayno ay u fikiraan ,waxaan rabno ay rabaan, waxaan diidno ay diidaan, Waxaan necebnahay ay nimcaadaan, waxaan samayno ay sameeyaan.

Marka aan aragno in labada caalam ee aan kukala noolnahay, innaga iyo caruurteenu kala fogyihiin, waxaan xal kadhignaa in aan isticmaalno awoodanada iyo saamaynta aan kuleenahay caruurta, ama aan istimaalno xoog iyo ul si aan isu waafajinno labadaas caalam ee kala duwan.

Taasi waa sababta muuqata oo Dowladaha iyo dadwaynaha reer Galbeedku ay u qaataan in aanaan maamuli-karin ama aanaan fahmi-karin caruurtanada. Haah, waa dhab innaga ayaa dhalnay, lakiin masheegan karnaa in aan fahmi karno, ama aan qadarin karno masaafada xaga wakhtiga iyo dareenka ah ee noo dhaxaysa innaga iyo caruurteena.

Isfahmid la,aanta naga dhex jirta innaga iyo caruurteenna waxaad ka garan kartaan, Nolasha adag ee aan ku noolnahay. Sida: xanuunka , buuqa, carada, dhawaaqa iyo cabaadka ka yeeraya guryahanaga oo aan caanka ku nahay, dadka kalana uga duwan-nahay, iyo sida ay noloshu u raaxo daran tahay.

Taasi waxay dhalisay in caruurtu qaado dhabci colaad iyo aar goosasho ku salaysan, islamarkaasna ay waalidka u arkaan cadaw u baahan in laga fogaado ama laga qarsado sirta, waayo wuu ku dilayaa haddii uu kugu arko wax uu fahmi waayo ama uusan rabin.

Taasi waxay raad wayn ku yeelanaysaa dhamaan mujtamaca (society) oo waxaa abuur maya majtamac CUDWaani ah oo aan dulqaad iyo samir lahayn. Maxaa yeelay asba looma dulqaadan jirin khaladkiisa markuu yaraa, lamana barin naxariista iyo dulqaadka.

Taas waxaan ku daawayn karnaa in aan wax kabarano sidii aan u fahmi-lahayn caalamka caruurta oo kaduwan caalamka dadka waawayn.

U dhabagal iyo cilmi baaris waxaa lagu ogaaday inay caruurtu leeyihiin dareenka iyo xanuunsiga dadka waawayn, marka ay dhib dareemaan. Haddaba wax yaabaha curuurtu u baahan yihiin waxaa kamid ah:

1- in loo dhimriyo oo aan la dhaawicin dareenkooda jilic san. Hadal dabacsan, dulqaad, u muujin naxariis iyo dhimrin. Curuurtu waxay leeyihiin dareen u jilicsan sida jirkoodu u jilicsanyahay, waxa u gu horeeya oo ay u baahanyihiin waa in la,ilaaliyo dareenkaas iyo nafsadaas jilicsan oo aan lagu dhaawicin hadal qalafsan iyo culays ayna qaadi Karin nafsad ahaan.

2-Waxay u baahan yihiin Nashaad iyo ciyaar badan oo ay ku mada-daashaan. Waxay og yihiin naftoodu waxa ay rabto kaliye ee ma oga waxa hareerahooda kajira. Ma,oga dhib, faqri, mas,uuliyad, colaad iyo dhamaan wax yaabaha dadka waawayn dhiba ama xilka saran oo ay ka firkirayaan. Waxaas oo dhan caruurta u mataalo murugna kuma hayso. Waxay kunoolyihiin caalam saafi ah oo kaliya waxa ku abuuran naftooda ay rabaan. Farxad, qosol, ciyaar, bood-bood iyo wax ay ku madadaashaan oo ay ku ciyaaraan ayay u baahanyihiin bas.

3-Waxay u baahanyihiin in ay kamid noqdaan reerka oo ay lawadaagaan waalidka arrimo badan sida: Sheekada, cuntada, fadhiga, kaftanka, wax waydiinta iyo wax kaqaadashada. Waxay u baahanyihiin in ladareemo jiritaankooda iyo joogitaankooda reerka. Mararka qaarkood markay caruurtu dareemaan in aan la,aqoonsanayay joogitaankooda waxay ku muujiyaan in ay wax kharibaan ama ay wax dhibaan ama booyaan, si ay u soo jiitaan dareenka waalidka iyo dadka waawayn, oo ay muujiyaan sida ay uga xunyihiin xaalada ay ku noolyihiin ama ay dareemayaan. Ilmuhu wuxuu u baahanyahay in wax lawaydiiyo, sidookale looga jawaabo su,aalaha uu qabo, oo aan lafududaysan ama aan la yasin, waayo isaga wax wayn ayay u tahay su,aasha uu qabo, xattaa haddii aysan adiga macno kulalahayn isaga wax wayn ayay ugu fadhidaa. Su,aalaha ay caruurtu waydiiyaan waalidkood iyo Su,aalaha looga jawaabo qaymo wayn oo xaga tarbiyada iyo dhisida akhlaaqda iyo caqliga ilmaha ayay leedahay. Sidaas daraadeed waa muhim in looga jawaabo.

4- Ilmuhu wuxuu u baahanyahay wax u sheegid iyo wacyigalin si dagan oo naxariis iyo waalidnimo ah. Wuxuu u baahanyahay inuu wax ka helo wakhtiga kooban ee waalidka. Wakhtiga waalidku ilmihiisa siiyo qaymo wayn ayuu ugu fadhiyaa Ilmaha saamaynna wuxuu kuyeelanayaa nolosha iyo dhaqanka ilmaha.

Dhinac kasta oo kamid ah nolasha iyo dhamaan wax yaabaha la xiriira Bulshada ilmuhu wuxuu u baahanyahay in uu war ka hayo.

Dhib badan oo soogaarta ilmaha waxaa sabab u ah inay qariyaan oo aysan waalidkood u sheegin baqdin ay ka baqayaan waalidka. Sida xiriirka Jinsiga-Raga iyo Dumarka. Maxaa dabeeci ah? Maxaa Xalaal ah? Maxaa xaaraam ah? Maxaa dhib leh maxaan dhib lahayn? Maxaa la aqbalikaraa ama laqaadankaraa dhaqan ahaan iyo diin ahaan, maxaan laqaadan Karin ama aan la,aqbali Karin? Sidee loo daawaynayaa baahida dabeeciga ah ee jinsiga ( Labaka iyo Dhadiga) Sidee loo xiriirayaa? Sidee baan loo xiriiri-karin? Waxaas oo dhan iyo wax yaabo kale oo badan ayay caruurtu u baahan yihiin inay sii ogyihiin oo ay ku sii talo galaan.

Aamuska iyo wax u sheegid la,aanta iyo Xooshoodka aan xaqiiqada ahayn, ma saacidayo nolosha iyo tarbiyadda ilmaha.

5-Guud ahaan waxaa looga baahanyahay waalidka inuu leeyahay Qorshe kusaabsan, korinta, barbaarinta, wax barida, dhisida mustabalka iyo aadaabta ilmahooda. NOlol aan qorshe iyo nidaam lahayn waa nolol dhimatay oo cadaab ah.

Qoysku waa inuu leeyahay qorshe sugan oo rasmi ah oo xattaa gaaraya in lakala qorsheeyo da,da iyo dhalashada ilmaha, si looga taxadaro caafimaadka hooyada iyo ilmaha.

Qoos wanaagsan oo nidaamsan waa qaabiil wanaagsan oo nidaamsan, kadibna waa qaran iyo qoom wanaagsan oo nidaamsan. Shaki la,aan umadda soomaaliyeed way kaladaadatay, mana jirto meel manta u fayoow oo ay ku faanikaraan. Si Xaaladaas wax looga qabto waa in aan ku fikirnaa Dhismo ummad cusub oo nidaam leh. Mana dhisi karno u mad ilaa aan dhisno Qoos iyo Qabiil fiican oo nidaam leh. Markaas kadib ayaan heli karnaa Qaran wanaagsan.

Shiikh Cabdiraxmaan M. Jibriil